Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha DF Somalia C/raxmaan Maxamed Odawaa ayaa sheegay isaga oo la hadlayay Ergada soo xuleysa Barlamanka Juba in Ahmiya DF Somalia ay tahay dhaqan galinta Federaalka.
Odawaa, ayaa sheegay in micno ahaan Federaal ay Soomaalidu ka aaminsan tahay fakir qaldan, balse micnihiisu uu yahay in cid waliba ay isku filnaato oo adeegyada Bulshada aysan noqon kuwa ku xiran Caasimada Muqdisho oo kaliya.
Waxa uu tilmaamay in ka Wasiir ahaan uu dardar galin doono Hanaanka lagu kobcinaayo Siyaasada Maamulka, balse DF Somalia ay u baahan tahay inay hesho Maamul iyo Odayaal isku xiran.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa aysan waqti u aheyn Dadka kasoo horjeedo Maamulka Juba hase ahaatee waxa uu ku baaqay in inta wadahadalka ogal laga qeybgaliyo taladda.
Barlamanka Juba ayaa lasoo xulayaa iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay hanaanka loo soo dhisayo Barlamanka, Xildhibaanada ayaa ka imaan doona 15 Degmo oo midiiba loo qorsheeyay 4 Xildhibaan taasi oo tirada ka dhigeysa 60 Xildhibaan.
Ugu dambeyntii, Odayaal, Siyaasiyiin kasoo jeeda Deegaanada Jubba ayaa durbadiiba dhaliilay deg degta ay DF Somalia ku taageereyso dhismaha Baarlamaanka Mamaulkaasi, waxa ayna carabka ku dhufteen in taasi ay keeni karto dagaal dhexmara Maamulka iyo Beelaha halkaasi wada dega.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]