28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Habargidir oo kala qeybsan + Xasan oo walaac dartiis u tagay Dhuusomareeb iyo Ethiopia oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saacado kadib markii magaalada Dhuusomareeb lagu soo gabogabeeyay shirka dib u hishiisiinta beelaha daga gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa soo baxaya in beelaha Habar-Gidir dhexooda ay isku hayaan arrintan.

Dhamaan ergooyinkii ka qeyb galay shirkii kusoo idlaaday magaalada Dhuusomareeb ayaa saxiixay in magaalada Dhuusomareeb lagu qabto shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya islamarkaana ay noqoto caasimada maamulka cusub.

Arintaasi waxaa dhaliilay oo kasoo horjeestay beelaha Sacad iyo Saleebaan ee  Habar-Gidir oo doonaya in shirka lagu qabto Cadaado oo isla caasimada laga dhigo magaaladaasi Cadaado. Labadan beelood ayaa ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda.

Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda labadaasi beelood ayaa wado qorshe ay doonayaan in dowlada Soomaaliya ay kaga dhaadhiciyaan in shirka lagu qabto magaalada Cadaado halkaasina ay noqoto caasimada.

Odayaasha kale ee shirkii Dhuusomareeb ayaa kaliya iyaga doonaya in caasimada laga dhigo magaalada Dhuusomareeb, shirkana lagu qabto meel kasta oo gobolka Galgaduud kamid ah.

Arinta waxay imaaneysa iyadoo ay jiraan siyaasado kale oo isdiidan oo ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada federaalka Ethiopia.

Arinta dadka ka qarsoon ayaa ah in dowlada Soomaaliya ay dooneyso in xilka madaxweynaha loo doorto C/kariin Xuseen Guuleed, si Xasan Sheikh uu ugu soo baxo doorashada xigta ee dalka.

Dowlada Ethiopia ayaa dooneyso in xilkaasi loo doorto Axmed C/salaan oo dowlada Ethiopia ay ka dhex aragto danaheeda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xaaladda ka walaacsan ayaa maanta tagay Dhuusomareeb, si uu shirkaas usoo xiro, balselama yaqaan sida beelaha halkaas ku shiraya ay uga aqbalayaan.

“Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, dadaalka ay ugu jiraan dhismaha maamulka gobollada dhexe, dowladduna si buuxda ayay u taageersan tahay una garab istaageysaa hawlahan maamulka lagu soo dhisayo”, ayuu yiri Madaxweynaha, oo raba in shirka loo wareejiyo Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News