Dadka wali ku kala maqan Qarixii shalay oo loo sameeyay Bog ay ku wada xiriiraan

Muqdisho (Caasimadda Online) – koox aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa sameeyey Page Facebook loogu talagalay inuu dadka ka caawiyo ehelada isku waayey qarixii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Page-kaan Book ee la sameeyey ayaa loogu magac daray (Gurmad iyo Baadi Goob), waxana laga heli karaa dhammaan sawiradii dadkii lagu waayey qaraxyada,  sidoo kale waxaa loo fududeeyey ehelada dadka ka maqan yihiin inay si toos ah Page-kaas ugu gudbistaan si loogu soo hagaajiyo Nolol iyo Geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Page-kaan ayaa waxaa lasoo dhigay Sawiro badan oo lagu la’yahay qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale Page-kaas waxaa laga heli karaa dhammaan adeegyada gargaar ee ka socdo meelaha la geeyey dhaawacyada qaraxaas ka dhashay.

Caasimadda Online mar kasta waxay u taagan tahay badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed ee musiibada ku dhacday.

Fadlan kamid noqo saaxiibada Page-kaas si ay u fududaato inay is helaan ehelada kala maqan:

https://www.facebook.com/gurmasho/