Dagaal beeleed maalintii labaad ka socda Muqdisho + Waxa la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalntii labaad uu dagaal ka dhacay xaafada Kaawa Godeey ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo u abaabulan qaab beeleed.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooay hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegya in maleeshiyaadka dagaalamay ay isku heystaan Guri halkaasi laga dhisayo oo ay lacago ka qaateen.

Dadka ku nool Xaafada Kaawa Godeey ee degamda Dharkenley ayaa waxa ay sheegeen in markale dagaal halkaasi uu ka dhacay maanta, isla markaana uu socdo in ka badan laba saacadood, balse weli aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.

Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta goobta lagu dagaalamay, waxaana dad aan la xiriirnay ay sheegeen in ay weli maqlayaan rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay isku ridayaan.

Maamulka degmada Dharkenley weli dagaalkaas kama hadlin, waxaana taasi walaac ka muujiyey waxgaradka ku nool degmadaas.