Askari Mobile ka daawanayay xaaskiisa oo foolanaysa

Xilliga uu qofka canug u dhalanayo waa mid ka mid ah waqtiyada ugu qiimaha badan noloshiisa, hasayeeshee aabayaasha oo dhan uma ay suuragasho inay indha saaraan marka ilmihiisu uu dunida usoo baxayo.

Askari Mareykan ah ayaa Sabtidii isku dayayay inuu u safro gurigiisa oo ku yaal magaalada Brandon ee gobolka Mississippi ee waddankaasi, kaddib markii xaafkiisa la dhigay qolka dhalmada, hasayeeshee safarkiisii ayaa waxaa ku yimid hakad kaddib markii uu dhib u dhacay duulimaadkii uu raaci lahaa.

Haddaba markii uu Brooks Lindsey ku xayirmay gagida diyaaraha ayaa waxa uu go’aansaday inuu gabadhiisa Millie ku arko muuqaal ahaan oo waxa uu taleefankiisa ka wacay xaaskiisa Haley Lindsey.

Haweeney ay ninkaasi wada safrayeen ayaa sawirka ka qaadday aabahan filayay in canug loo dhalo kaasoo oo uu walwal badan ka muuqday markii uu taleefankiisa daawanayay.

“Waa uu oynayay aniguna waannu muraalo dilaacnay. Farahaannu ka qaadnay oo waannu ka fogaannay. Markiise aannu maqalnay oohinta canuga, ayaannu farxad kula dabaaldegnay. Waxaan rabay inaan arrintan idinla wadaago sababtoo ah ma doonayo inaannu weligeen hilmaanno howsha ay askarteenna noo hayaan iyo sida ay naftooda noogu huraan,” ayey barteeda Facebook-ga soo dhigtay, Tracy Dover, taas oo sidoo kale dadka la wadaagtay sawirka Brooks Lindsey.

Kaddib markii sheekada lagu baahiyay Facebook-ga iyo Twitter-ka in ka badan 120,000 oo jeer, ayaa qoysas kale oo ka tirsan milateriga waxa ay barahooda soo dhigeen xusuustooda iyo sheekooyin ku saabsan aabayaal aanay u suuragelin inay joogaan xilliga ay carruurtooda dhalnayeen sababo shaqo awgeed.

Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi waxa ay soo qaadeen sida uu milateriga naftiisa ugu huro dadweynaha oo ay si joogta ah uga baaqsadaan ka qeybgalka xafladaha muhiimka ah ee qoysaskooda.

“Ninkeygii hore ayaa inoo yimid todobaad kaddib markaan dhiilkeyga dhalay. Nidaamka Laanqeyrta Cas ee la maro waa mid aad gaabis u ah. Dib ayuu ugu laabtay ururkii uu ka tirsanaa, laba bilood kaddibna aabihii ayaa dhintay – waanay u suurageliwaysay inuu degdeg ku yimaado oo waxa uu yimid laba maalmood kaddib geeridii aabihii,” waxaa sidaa ra’yigeeda ku dhiibatay Susan DeCato, taas oo ninkeedii loo badelay magaalada Baqdaad ee waddanka Ciraaq.

Hooyo ayaa sheegtay in ninkeeda uu canuga u dhashay uu ku ogaaday warqad ay u dirtay oo wadada ku sii jirtay shan todobaad.

Qaar ayaa waxa ay amaaneen dowrka tiknolojiyadda taas oo ka dhigtay in xitaa haddii uusan aabuhu iman karin goobta ay xaaskiisa ku dhalayso uu ugu yaraan daawan karo dhalmada canugiisa, sidoo kalana uu halkaa ka dhiirigelin karo xaaskiisa.

“Jaceylkeyga ayaa waxaa loo qaaday meel kale markii uu canuga labaad noo dhashay. Maalintii xigtay ayaannu Mobile ka wada xiriirnay waxa uuna noqday qofkii ugu horreeyay ee arka indhaheeda. Gurigana dib uguma uusan soo laaban ilaa ay shan bilood ka gaartay,” waxaa soo qortay Jen Bell.

“Dumaashigey ayaa mar uu ka soo kicitimay saldhig ku yaal Jarmalka halkan nagu soo maray isagoo gurigiisa ku sii socday, si uu u arko gabadha uu adeerka u yahay. Markii ugu horreysay ayaa waxa uu ku arkay barnaamijka Mobile-ka lagu isticmaalo ee FaceTime isagoo joogay Detroit!” waxaa sidaas barteeda Facebook-ga soo dhigtay Aelena Wade Collinson.

Carruurta ay dhaleen ciidammada milateriga ayaa sidoo kale waxa ay dadka la wadaageen waxyaabihii ay u soo joogeen.

Clare Wakeham ayaa isna soo dhigay: “Markii aan dhalanayay aabahay waxa uu ku jiray badda oo waxa uu saarnaa markab nooca quusa ah – haddii uusan howshaas adag haynna wuu inala joogi lahaa malaintaas. Markii uu badda ka soo baxay ayaa loo sheegay inaan dhashay – kaddibna habeenkii oo dhan ayuu soo safrayay si uu ii arko.”

Hasayeeshee carruurta noocaasi ah oo dhan aabayaashood maalmo kuma aanay arag. Melissa Griffin ayaa soo dhigtay barteed Twitter-ka in aabaheed aanay arag muddo sanad ah markii ay dhalatay kaddib sababtoo ah markii aan dhalanayay waxa uu ka howlgalayay saldhig ku yaal Kuuriya.

Nasiib wanaag inanta yar ee Millie aabaheed waxaa u suragashay inuu raaco duulimaadkii xigay, markaas oo uu toos u tegay isbitaalka halkaas oo uu ugu dambeyntii kula kulmay gabadhiisa markaas un dhalatay.