Buug loogu gafay beelaha gobollada dhexe oo carro xooggan abuuray (Yaa ka dambeeyey?)

Waxaa  Shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho Laba Xildhibaan  oo ka soo jeeda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo kala ah Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore  iyo Xildhibaan Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) ka dib markii ay ka caroodeen Buug ay si Wada jir ah u Maalgeliyeen Hay’adda  Qaaramada midoobey u Qabilsan    Horumarinta Beeraha ee  FAO iyo Bangiiga Aduunka, Buugaas oo Cinwaan looga dhigay  (REBUILDING  RESILIENT AND SUSTAINABLE  AGRICULTURE IN SOMALIA)waxaa la daabacay  27-kii Maarso 2018. waxaana ogolaadey oo aqbaley Daabacaadiisa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaarada Qorsheynta iyo Wasaarada Beeraha.

“Warabixinta  Buugga ku Qoran waxay Halis ku tahay oo si toos ah Noloshooda ay uTaabaneysaa Bulshada iyo Beeraleyda Shabeelada hoose, waxayna dhalin kartaa Colaad iyadoo  meesha ka saari karta Nabadda aan  Xooga Badan ku taagneyn ee Dadka Deegaanku ku wada nool  yihiin, anagoo og in marar badan Colaad laga huriyey oo lagu fashilmey” sidaa waxa yiri Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore  oo intaa raaciyey.

“Warbixintu waxay Xambaarsan tahay fariimo  iyo Faham Marin habaabin ah oo aan ka turjumeyn Xaqiiqda jirta haba yaraatee, Bogga 28-aad  ee Buugga (REBUILDING  RESILIENT AND SUSTAINABLE  AGRICULTURE IN SOMALIA)  waxaa lagu sheegey in Maleeshiyo Beeleed ka soo jeeda Gobolada Dhexe oo aan lahayn aqoon iyo Xirfado Xagga Beeraha ay ku  soo duuleen oo ay ku Habsadeen Dhulkii ugu Haboonaa ee Beeraha Gobolka Shabeelada Hoose, taasoo qayb weyn ka ah Nolol Xumida iyo wax soo saar la’aanta  Soomaaliya”  Mudane Dhoore waa uu sii Hadley oo waxaa uu yiri.

 “Waxaa marag ma doonta ah  in Bulshada sida qaldan looga hadlayo ay ka mid yihiin Shaqsiyaad Caan ka ah Gobolka oo laga soo doortey  oo Codkooda ku soo baxay kuwaas oo Madax ka noqdey Gobolka Shabeelada Hoose kana soo jeeda Bulshada lagu Aflagaadeeyey  warbixinta Buuga ay soo saareen FAO iyo Bangiga Aduunka, Khatarta Buugu Xambaarsan yahay  ma ahan oo keliya   in runta laga fogaadey, ee waxay Suurta gelineysaa in mar kale Deegaanka laga abuuro  Colaad Sokeeye iyo Barakac Baahsan oo aaan laa xamili karin”.

“Warabixinta Buuga waxay aad uga fog tahay Runta iyo Dhedhexaadnimada, mana jiraan  wax Cadeymo ah  oo ay  soo Xiganeyso, waxaana Maalgeliyey Hay’ado waa weyn sida FAO iyo Bangiga Aduunka, waxay ahayd in Xukuumada  Soomaaliya ay aad uga Fiirsato inta aan la Daabacin Buuugaan kaasoo lagu bartilmaameedsadey  Qabiil iyo Qowmiyad Gaar ah” sidaa waxaa yiri  Xildhibaan Abuukar Cabdulle Raage  (Garmaqaate) oo intaa ku darey.

 “Waxaa kaloo  Warbixinta Buugga ku jira  eedeemo Fool Xun oo sheegaya in la adoonsado dadka asal ahaan Deegaanka u dhashey taasoo lala Xiriirinayo dadka Gobolada Dhexe ka yimid taasoo marag ma doonta ka dhigeysa Xishood-darida iyo masuuliyada Xumida ka muuqata Warbixinta Buuga lagu xusey”. Mudane Garmaqaate waxaa kale oo uu  yiri   “Hay’adaha Buugaan  soo saareey iyo Xukuumada ku taageertey labaduba ma hayaan Xigasho lagu Kalsoonaan karo, waana qaab kale  oo la doonayo in dib loo yegleelo Colaadii Gobolka Shabeelada Hoose”.

Ugu Dambeyntii Labada Xildhibaan waxay u mahadceliyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Raiisul Wasaaraha, Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda ee ka Howl gala Gobolka Shabeelada Hoose iyo Ciidamada Milatariga Soomaaliya  sida ay dadaalka ugu jiraan in Gobolaka Shabeelada Hoose nabad loogu soo dabaali lahaa waxayna Cambaareeyeen Dhammaan Hay’adaha Buugaan ku lug leh sida FAO, Bangiga Aduunka, Wasaarada Qorsheynta iyo Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

Sanadkii la soo dhaafay ayey aheyd Markii Warbixin sidaan oo kale u Qaldan ay Ciidamada Mareykanka ee sida gaarka u tababaran (Navy Seal) ay ku dileen  10 Ruux oo beeraley ah oo laba Caruur ahayd Deagaanka Bariire, sidoo kale Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa Jariiradda The Guardian u sheegtey in Bulshada laga hadleyo ay ku lug lahaayeen Qaraxii 14 Oktoobar  2017 ee Isgoyska SOOBE taasoo ahayd Gef kale oo loo Geystey Bulshada la Dulminayo.

W/D Cabdinaasir Xirsi Iidle

E-Mail naasirx1@gmail.com

Tel 00252615503978