Maxaa kala socotaa seddexda qodob ee Gaas & Axmed Madoobe u adeegsadeen Dagaalka ay ku bilaabeen DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo shaac baxay saansaan muujineysa inuu dib u soo noolaaday khilaafkii Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo toddobaadkan ay mar kale qarxiyeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo marar badan ku dooda inaysan wax shido ah u dhaxeyn maamulkiisa iyo dowladda Federaalk ayaa muddo 72 sacadood ah ku qabtay saddex shir jaraa’id iyo khubad jeedin isugu jira oo uu si toos ah ugu weerarray dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo lagu tilmaami jiray inuu u dhow yahay dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay si toos ah u weerarray hab dhaqanka madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo waliba ay kasoo yeereen ereyadii ugu kululaa ee uu ku halgaado dowladda Nabad iyo Nolol.

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay wadaaagaan arrimaha soo socda:

1) Labada madaxweyne ee C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay wadaagaan inay wada tageen dalka Imaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya uu si weyn u xumaaday, iyagoo dhinaca kale ka horjeeda kaalinta dowladda Qatar ku leedahay dowlada Federaalka Soomaaliya.

2) Gaas iyo Madoobe waxay dowladda Federaalka ku heystaan inaysan dhaqaale fiican ka helin maamuladooda, iyadoo C/weli Gaas uu si cad u sheegay in mashaariicdii dowladda Qatar ku deeqday oo dhamaa 200 Milyan Doolar, lagu koobay Afgooye iyo Jowhar. Axmed Madoobe isagu wuxuu ku celceliyay inaysan dowladda ka helin wax dhaqaale ah oo dhaafsiiyay mushaar ciidamada, culeyskuna ku dhacayo maamuladooda.

3) Maamullada Puntland iyo Jubbaland waa labada maamul ee gacanta ku haya hanti Qaran, isla markaana ka hela dhaqaale aan cidna kula xisaabtamin, waa dekadaha Boosaaso iyo Kismaayo oo aan soo dhaafin maamulladaasi.

Gabagabadii waxaa muuqata xiriirka Maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka inuu mar kale madaxa la gelayo khilaaf siyaasadeed oo markan aan la ogeyn halka uu ku dhammaan doono, iyadoo ay saameyn ku leeyihiin dalalka Imaaraadka iyo Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com