Faahfaahin ku saabsan Dad badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Wanla-weyn

Wanla Weyne (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Degmadda Wanla-weyn ee gobolka shabeelaha hoose, sida Idaacadda kulmiye u sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday Mooto bajaaj, wuxuuna ka dhacay meel u dhow Aargadda degmadda.

Qaar ka mid ah dad aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in qarxaas ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 ruux halka ilaa 6 Ruux ay ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda balse markii uu gudbay uu qaraxa dhacay.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa la soo sheegayaa in badankood ay yihiin dadkii Goobta qaraxa uu ka dhacay ku Ganacsanayay,waxana sidoo kale jirtay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaas fureyn taas oo khasaaha sii kordhisay.

Dad ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Cusbitaalka degmadda , si rasmi ah looma xaqiijin tiradda dhaawaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com