28.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Dagaal ka dhacay Sh/dhexe iyo ciidamada Cali Guudlaawe oo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal culus ayaa waxa uu goordhow ka dhacay deegaan hoostaga Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada.

Ciidamadaani oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa waxa ay weerar culus ku qaaden Ciidamo kale oo hubeysnaa kuwaasi oo ku dhaqnaa deegaan lagu Magacaabo Labo Gaabaneey oo ugu yaraan 10 Km dhanka bari kaga beegan Magaalada Jowhar, waxaana la sheegayaa in ciidamada weerarka qaaday ay kamid ahaayen ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Cali Guudlaawe.

Dagaalka u dhexeeyay ciidamada kawada tirsan Dowlada ayaa waxaa la soo warinayaa in Salka uu ku hayo muran la xiriira dhul beereed.

Ciidamada uu dagaalka u dhexeeyay ayaa waxaa qeyb ka ahaa ciidamo ka tirsanaa ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe.

Weerarka lagu qaaday deegaanka labo Gaabaneey ayaa waxaa qaaday ciidamada Guddoomiyaha kuwaasi oo qaab qabiil ula safnaa qoyska uu muranka kala dhexeeyay dhinaca kale.

Dadka deegaanka Labo Gaabaneey ayaa xaqiijiyay in ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ay deegaankaasi ka geysteen xasuuq aad u ballaaran islamarkaana ay ahaayen kuwa ku hormaray duulaanka.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan eedeymaha loo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka iyo dagaalada ka dhacay Magaaladasi Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News