Nairobi (Caasimada Online)-Xasan Sheikh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tagaya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya muddo kabadan 25 sano kadib, xeradaasi oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xerada ay kusoo dhaweeyeen wasiirka arimaha dibada Kenya iyo kan arimaha Dibada Soomaaliya oo xerada kaga soo horeeyay ayaa tagay xerada oo lagu diyaariyay caruur badan oo safaf u galay soo dhaweyntiisa.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku arkay xerada Dhadhaab dhibaatada ay dadweynaha Soomaaliyeed qabaan, isagoo la kulmay gabar cuuryaan ah oo saaran gaariga cuuryaamiinta islamarkaana gacanta ku heysata calanka jamhuuriyada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku arkay xerada Dhadhaab qaxooti badan oo Soomaali ah kuwaasi oo daruufo ay ka muuqdaan.
Xasan Sheikh ayaa tagaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu halkaasi kula kulmi doono madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta isaga oo kala hadlaya arimaha dib usoo celinta qaxootiga iyo go’aankii dhawaan ay qaadatay dowlada kenya.
Hoos ka daawo sawirada


