Dagaal ka dhacay Muqdisho oo khasaare culus gaystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska koontarool Balcad ee degmada Heliwaa, kuwaas oo ilaalo ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib iska hor imaad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac , inkastoo aan is dhab loo ogeyn.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi xigay ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca kooxda Al-Shabaab, iyaga oo intaasu kusii daray inay khasaare xoogan gaarsiiyeen ragga dagaalka soo qaaday.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale dagaalka, kadib howl-gallo kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, iyada oo weerarkan uu qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro gaadmo ah ku qaaday ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha dhismaha ka wada wadada Muqdisho iyo Jowhar.