SOMALILAND oo amar culus dul-dhigtay musharaxiintii guuleystay + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa amar culus dul-dhigtay xubnaha musharraxiinta ee ku soo baxay natiijooyinka hordhaca ah ee la shaaciyey, kadib doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka ee Isniintii ka dhacday maamulkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Hargeysa Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey sida ay u dhaceen doorashooyinka ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddigii ka shaqeeyey qabsoomida doorashooyinkii dhowaan ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Kaahin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay harsan tahay kaliya ku dhowaaqista natiijada doorashooyinkii ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo saaray amaro culus oo ku socdo xubnaha musharraxiinta ee guuleystay iyo kuwa laga guuleystay, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida guud.

Halkan hoose ka aqriso

1: Inay sameeyaan dabaal degyo waaweyn oo gawaarida magaalooyinka lagu wareejiyo, taasi oo dhalin karta nabadgeliyo darro.

2:  In ay mamnuuc tahay in lanisticmaalo waxyaabo Bululeer oo kale ah, oo xilliga ololaha ay kujireen Musharixiinta ay isticmaaleen.

3: in sidoo kale ay mamnuuc tahay waxkasta oo kicin kara musharixiintii kaga guuleystay, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Xisbiyada in Xildhibaannada ka tirsan ee guuleystay ay u gudbiyaan xeerarka lagu dhaqo dalka ee ka hortagaya dhibaatooyinka lidiga ku ah amniga.

Go’aanadan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, iyada oo saaka magaalada Gibiley ay dad ka careysan doorashada dibad-bax ka dhigeen magaaladaasi, kadib markii uu doorashada deegaanka kusoo bixi waayey musharraxii Xisbiga Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi.