Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay dhanka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo kadib markii ciidamada Puntland ay duulaan gaadmo ah ku qaaden difaac ciidamada Galmudug.
Duulaanka kadib ayay ciidamada Galmudug iska caabin kala hortageen ciidamada Puntland waxaana leysu adeegsaday Hubka noocyada waaweyn.
Duulaanka ayaa ku bilowday Hubka loo yaqaan Sabanka oo lagu garaacay Difaaca Galmudug, waxaana xigay duqeymo labada dhinac ay isu adeegsaden.
Ciidamada Galmudug ayaa madaafiicda ugu badan ku garaacay meelo ka mid ah Xaafadaha dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.
C/rashiid Maxamuud Ashkir oo ah Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland ee gobolka mudug, ayaa sheegay in mudada uu dagaalka socday ciidamada Galmudug ay gadaal ugu durjiyeen halkii ay difaaca ugu jireen.
Taliyaha waxa uu sheegay in Khasaaraha ugu badan ee dagaalka uu soo gaaray Galmudug oo weerarka looga hormaray.
Dagaalka ayaa waxaa labada dhinac uga dhintay ilaa Siddeed ruux oo labada dhinac ka kooban, halka dhaawacana uu kor u dhaafay Shan ruux.
Dagaalkaani wakhti danbe ee xalay ah ka dhacay magaalada ayaa waxaa lagu burburiyay Heshiiskii labada dhinac ay kala dhex dhigtay QM.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

