Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheikh Maxamuud Iyo Cabdirahman Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa wada galay heshiis saddax geesood ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Ilo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiskan uu ka dhex shaqeeyay Maxamed Cabbdirahaman Faroole, oo ah wiilka madaxweynaha iyo gacanasade ku nool dalka imaaraadka Carabta.
Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu balan qaaday in uu ra’iisal wasaare ka dhigo, marka dib loo soo doorto Saciid Cabdullaahi Dani, Faroolana laga dhigo ama loo magacaabo madaxa IGAD oo aan wali la buuxin, Soomaaliyana laga sugayo in ay buuxiso.
Sidoo kale, waxa uu Xasan Sheekh ballan qaaday in uu ku wareejiyo ina Faroole, lacag $500, 000 oo kun, oo uu ku bedelanayo taageeradiisa.
Taa beddelkeed ayaa Faroole waxa uu taageerayaa doorashada Xasan, isaga oo ballan qaaday inuu taageerada xidlhibaanada Puntland usoo gacan geliyo Xasan.
Faroole iyo Xasan Sheekh ayaa sadaxdii cisho ee u danbeeysay ku wada hadlay qadka taleefanka, waxaana maalmaha soo socda Garoowe tagi doono wakiil Xasan Sheekh ka socda.
Falka Cabdiraxman Faroole ku kacay ayaa Ka xanaajisay dadka reer Puntland. Faroole ayaa loo arkayay in uu yahay mid ka soo horjeeda dowladda Xasan Sheekh, ahna nin lagu yaqaano qaddiyad.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

