24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

QM oo Cabdi Weli Gaas ku heshay kiis halis ku ah Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu qalqal galinaayo hanaanka dhaqaalaha Somalia.

Warbixin kooban oo ay soo saaren Kooxda QM u qaabilsan Kormeerka Cunqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, ayaa waxaa lagu sheegay in C/wali Gaas uu la dagaalamaayo dhaqaalaha Somalia.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Gaas uu daabacay lacago farabadan oo shilin Somali ah, taa oo la doonaayo in suuqa looga saaro lacagtii hore.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in qorshaha Gaas uu yahya mid lagu naafeynaayo dhaqaalaha iyo Maciishada Somalia.

Warbixintaasi oo soo baxday bishii October 31-dii ee sannadkan ayaa lagu sheegay inuu C/weli Gaas Wershado lagu farsameeyo Lacagta Soomaaliga ku rakibay Bangiga Dhexe ee Puntland.

Lacagtaani ay daabaceyso warshada ayaa waxaa lagu sheegay in la doonaayo in lagu bixiyo Mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada maamulka.

Xubno qeyb ka ah baarayaasha QM ayaa u kuurgalay baaritaanka waxa ayna xaqiijiyeen in lacagahaasi ay ka heleen Suuqyada magaalada Boosaaso, gaar ahaan kuwa lagu kala sarifto lacagaha.

Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa walaac xoogan ka muujisay in lacagahaasi ay ku faafaan dalka oo idil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News