Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Israil Benjamin Netanyahu ayaa iftiimiyay wada shaqeynta dhexmari karta Dowladaha Israel iyo Mareykanka.
Netanyahu, waxa uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxa uuna tilmaamay inay wada shaqayn karaan.
Netanyahu, waxa uu intaa raaciyay in Trump uu aad uga wacan yahay Madaxweynihii hore ee dalkaasi marka loo eego furfurnaanta iyo wadashaqeynta.
Netanyahu, waxa uu yiri ”Trump waa saaxiib run ah ee dadka yahuuda, waxaana ku hanweynahay inaan la shaqeeyo si loo horumariyo ammaanka, xasilloonida iyo nabadda gobolkeena.”
Netanyahu, waxa uu sheegay in Israel ay ku rajo weyn tahay inay kasbato Madaxweyne Trump waxa uuna farta ku goday in guusha Trump ay ka dhigan tahay ciribtirka argagixisada oo soo degdega.
Ugu danbeyntii, Netanyahu ayaa Mr Trump ku amaanay howlkarnimo iyo Siyaasad fog.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

