Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay dib u fasaxday xanibaadii ay dhawaan saartay diblumaasiyiinta shisheeye ee dalkaasi ku sugan.
Dowladu waxa ay tilmaantay in wixii intaa ka danbeeyay ay diblumaasiyiinta shisheeye yihiin kuwo xor ah isla markaana gaari kara Gobol waliba oo ku yaalla Ethiopia.
Siraaj Fegesa oo ah Wasiirka Difaaca Ethiopia oo magaalada Addis Ababa kula hadlaayay saxaafada ayaa sheegay inay dib uga laabteen go’aankii ahaa xanibaada diblumaasiyiinta shisheeye ee ku dhaqan Ethiopia.
Siraaj Fegesa, waxa uu sheegay in sidoo kale ay xanibaada ka qaaden diblumaasiyiinta laga xadiday socdaaladii ay kusoo gaari lahaayen Ethiopia.
Wasiirka waxa uu sidoo kale tilmaamay in wixii sheegta diblumaasi shisheeye ay awood buuxda u leeyihiin inay dhaqdhaqaaqooda, isla markaana ay tegi karaan meel kasta oo ka mid ah dalkaasi.
Dowlada Ethiopia ayaa horay u shaacisay in diblumaasiyiinta shisheeye aysan caasimada Addis Ababa ka bixikarin masaafo dhan 40-KM.
Kacdoono lixaad leh oo ka dhacay qaarkamid ah Gobolada dalkaasi ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Ilaa 500 oo qof, waxa ayna taa sababtay in Ethiopia ay xanibto dhaqdhaqaaqa shisheeye.
Go’aanka ay dowlada Ethiopia uga laabaneyso xanibaada ayaa waxaa soo dhaweeyay diblumaasiyiinta shisheeye ee dalkaasi ku nool.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

