27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Xog: Waa maxay qorshaha CC iyo Axmed Madoobe ka dhaxeeya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ku sugan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Madaxtooyada Kismaayo kulan aan caadi aheyn kula qaatay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ay kawada hadleen doorashada Somalia ee fooda nagu soo haysa.

Ra’isul wasaaraha iyo Axmed Madoobe ayaa isla gorfeeyay qaabka ay u dhici doonto doorashada Somalia iyo sida uu u socdo ololaha doorasho.

Sharmaarke ayaa Axmed Madoobe u cadeeyay qorshaha socdaalkiisa Kismaayo, waxa uuna hordhigay in Jubbaland ay garab ku siiso codadka doorashada dhanka Xildhibaanadooda.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale, Axmed Madoobe u cadeeyay in iminka uu heysto codad ku filan balse ay suuragal tahay in laga bato ama uu isaga bato, waxa uuna mar kale ku celiyay inuu u baahan yahay codad dheeri ah si aan loogu soo dhawaan.

Axmed Madoobe oo horay loogu soo tashkiiliyay magaalada Abu Dabai ee dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa Sharmaarke u sameeyay ballanqaad.

Madaxweyne Xassan oo loolan adag kula jira Ra’isul wasaarah ayaa isna u muuqda mid dhaliilsanaaya ololaha Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan ayaa muddo 3 jeer ah ku fashilmay in wadahadal uu la furo C/rashiid hayeeshee uu ku fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News