27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Xog: DF oo qorshe cusub la damacsan safaaradeeda…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa albaabada u laabeysa Safaarada Somalia ee magaalada Sanca, kadib markii ay korortay amni darida ka jirta dalka Yemen.

Safaarada ayaa amni dari jirta aawgeed loo rarayaa magaalada Cadan oo ah Caasimada KMG Yemen.

Wasaaradda arrimaha dibada dalka Yemen oo si dhow ula socta dhaqdhaqaaqa Safaarada ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay dowlada Somalia kusoo xirtay Safaradeedii magaalada Sanca.

Wasaaradu waxa ay dowladaha shisheeye ee xarumaha ku leh magaalada Sanca ku boorisay in Safaaradahooda ku yaalla Sanca ay u soo wareejiyaan magaalladda Cadan oo Caasimad KMG u ah Dowladda Yemen.

Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ayaa qortay inaan si rasmi ah loo garankarin wakhtiga ay dowlada Somalia Safaaradeeda usoo rari doonto magaalada labaad.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda dagaalo xoogan oo dhiig farabadan uu ku daatay, waxaana halkaasi si joogta ah uga dhaca duqeymo aan kala joogsi laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News