Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ee ka howlgala Xeebaha maamulka ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Koontaroolo ay Degmada Qandala kaga sugnaayen Dagaalyahaano ka tirsan Daacishta Somalia.
Weerarka ay qaaden ciidamada Xeebaha Puntland ayaa socday inkabadan laba Saac oo lagu beegsanaayay Koontaroolada Daacish ay ku leeyihiin Degmada Qandala.
Ciidamada maamulka ayaa Madaafiic ku garaacay baraha ay ku sugan yihiin Daacishta, waxa uuna weerarkaasi imaaday kadib markii Kooxda ay bilaaben inay kasoo siqaan goobihii ay difaaca uga jireen.
Ciidamada Puntland ayaa Madaafiicda ku garaacay ilaa Afar Koontarool oo ay maleeshiyada Daacish ku lahaayen magaalada Qandala iyo duleedkeeda.
Kooxda Daacishta Somalia ayaa iska difaacay weerarka waxa ayna garaacen jihooyinkii laga soo duqeeyay waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Kooxda ayaa ku howlan Hub uruursi si ay dagaal fool-ka-fool ah ula galaan ciidamada Puntland, waxaana jira warar xaqiijinaaya in Hub uu soo gaaray Kooxda.
Sidoo kale, dadka Deegaanka ayaa sheegay in xalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal xoogan oo labada dhinac dhexmaray, sidoo kalena la isku adeegsaday Hub culus.
Ilaa iyo hadda ma jiro khasaaro rasmi ah oo la xaqiijiyay balse waxaa la rumeysan yahay in labada dhinac uu khasaaro soo kala gaaray.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

