Dagaal-ooge Khalifa Xaftar oo laga qabsaday saldhiggii ugu muhiimsanaa Libya iyo maalmihiisa oo dhamaad ah

Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada dagaal-ooge Jeneral Khalifa Xaftar.

Afhayeen u hadlay militariga Libya, Mohamed Gnunu ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen guud ahaan saldhigga, oo ku yaalla xuduudda Tunisia.

Warka kasoo baxay dowladda ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ayaa yimid kadib bil uu socday dagaal xooggan oo ciidamada xulufada ah ay kaga saareen maleeshiyada Xaftar inta badan xeebaha galbeed ee Libya.

Xaftar ayaa weerar culus ku billaabay dowladda bishii April ee 2019, isaga oo doonaya inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in qabshada saldhigga al-Watiya, oo 25km u jira xuduudda Tunisia, uu ciidamada dowladda u ogolaan doono inay dagaal-yahanada Xaftar ka eryaan dhinaca koonfureed ee Tripoli.

“Tani waxay miisaankii awoodda Libya u weecin doontaa dhanka dowladda. Waa guul-darro weyn oo soo gaartay Xaftar, maadaama halkan ay ahayd halkii ugu dambeysay ee ciidamadiisa ay ka joogeen galbeedka Libya,” waxaa sidaas yiri weriye ka tirsan Al-Jazeera, Mahmoud Abdelwahed oo ku sugan Tripoli.

“Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.”

Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka, halka dowladda ay taageero ka heleyso Turkey iyo Qatar.