Kenya oo ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo la xiriirta diyaaradii lasoo riday

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay inay tallaabo qaadi doonto haddii ay ku qanci weyso baaritaanada lagu sameynayo diyaaradii dalkeeda laga lahaa ee lasoo riday iyadoo ku duuleysa hawada Soomaaliya.

Baarayaal ka socda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa Axaddii shalay tegay goobta ay ku dhacday diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda African Express ee magaalada Bardaale, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Baarayaasha ayaa hadda kusoo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana la filay inay warbixin kasoo saaraan wixii ay soo ogaadaan iyo xogta laga helay sanduuqa madow ee diyaaradda.

Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo aad isugu dhow darteed, ayaa Kenya waxay ka cabsi qabtaa in la isku dayo in baaritaanka loo leexiyo dhan kale.

Ilo-wareedyo ka tirsan qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil socdaal oo Kenya ah ay u sheegeen inay tallaabi qaadi doonaan, haddii aysan ku qanicin natiijada baaritaanka. Dadka diyaaradda ku dhintay ayaa waxaa ku jiray laba qof oo Kenyan ah.

Sida ay sheegeen saraakiishan, waxa la filan karo ayaa ah in dowladda Kenya ay gabi ahaanba diyaaradahada wadankeeda ka diiwaan-gashan u diido iney u safraan Soomaaliya, waxeyna arrintaan culeys badan ku yeelan doontaa isku socodka labada dal.

Warbixin kasoo baxday Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay sheegteen inay soo rideen diyaaradda, waxeyna sabab uga dhigeen iney uga shakiyeen inay damacsaneyd weerar is-miidaamin ah.

Cudurdaarkaas ayaa la rumeysan yahay inaysan ku qancin Kenya, inkasta oo uu ahaa mid hordhaca ah, waxaana Kenya ay hadda sugeysaa warbixinta kama dambeysta ah.