Deni oo weeraray DF kadib qaraxii Gaalkacyo – ‘Weerar ayaa ku socda PUNTLAND’

Garowe (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa si dadban u weeraray dowladda Federaalka kadib dhibaatooyinka maalmahii dambe kusoo badanayay deegaankiisa, oo ay ugu weynaayeen qaraxyo lagu dilay mas’uuliyiin sare

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Ammaanka Puntland ay iska hor imaad hubeysan kula galeen Boosaaso kooxda Daacish, sidoo kale waxaa xigtay in hawlgallo ay fuliyeen ay ku fashiliyeen qaraxyo ay sheegeen in lala damacsanaa isla magaalada Boosaaso.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa xigay qarax loo adeegsaday Bajaaj oo lagu dilay gudoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland shalay, wuxuuna qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn xaruntiisa magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aaminsan in dad dano gaar ah leh ay isku dayayaan iney marin habaabin iyo dhibaato ka abuuraan Puntland isla markaasna ay dhawaan soo bandhigi doonaan kooxahaas isbaheystay oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dilalka ka dhacayo deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa si dadbadan u sheegay in dilalkaan ay qeyb ka yihiin ololaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku ciribtirto maamul goboleedyada dalka jiro.

“Dalkaan marxalad cusub ayuu galay oo la rabo in la baabi’iyo federaalism-ka, la rabo in la wiiqo kala dambeynta, la rabo in la yiraahdo qof walba sharciga gacanta haku qaato, dagmo walba iyo magaalo walba wax loo akhriyo,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in culeyska lasoo saaray Puntland ay keeneyso inay Dowladda iyo Shacabka Puntland dib u eegis ku sameeyaan falalka dhacayo.

“Fahamka qaldan ee dowladnimada ee waayahaan dambe soo badanaya waxey u badan tahay dadka reer Puntland oo lagu yaqaanay dowladnimo iyo kala dambeyn iney dib u fiiriyaan,” ayuu mar kale yiri Deni oo sida muuqata dowladda ku leexinaya eedaha qaar.