Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo kawada tirsan Dowlada ayaa maanta ku dagaalamay Degmada dharkiinley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Seddex ruux oo shacab ah, halka laba kalane uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka.
Dagaalka ayaa ka bilowday muran dhul uu ka taagnaa waxa uuna dagaalka xoogiisa ka dhacay Xaafada Macalin nuur ee Degmada Dharkeenleey.
Ciidamada ayaa u abaabulnaa hab beeleed waxa ayna garab siinayeen mid kamid ah labada ruux ee uu ka dhexeeyay muran dhuleedka.
Maamulka Degmada Dharkeenley ayaan wali ka hadal dagaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

