Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlaayay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo aan la xaqiijin waxa uu yahay ayaa waxa uu dhawaqiisa ku aadan yahay dhanka Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Bam gacmeed, balse aan la garaneynin cida lagu weeraray iyo khasaaraha ka dhashay Qaraxa.
Qaraxa kadib ayaa waxaa lamaqlay rasaas aan sidaa u badneyn, inkastoo aan la ogeyn waxa ay rasaastaasi aheyd.
La soco wararkeena danbe wixii kusoo kordha Qaraxa
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

