Munaasabad lagu soo dhoweynayey safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa lagu qabtay hotelka Marriott ee magaalada Arlington ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Maxamed Cali Ameeriko, ayaa socdaal ku maraya Washington DC iyo hareeraheeda, waxaana socdaalkan uu qeyb ka yahay socdaalkiisa nabadda.
Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey qaar ka mid ah dadweynaha degan Waqooyiga Virginia.
Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne ku dhow boqol oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Virginia, Maryland iyo Washington DC.
Danjire Ameeriko ayaa halkaas ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay waxyaabihii uu kusoo arkay intii uu ku guda jiray socdaalkiisa nabadda ee Soomaaliya.





















