Dagaal u dhaxeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo ka billowday Ciraq (Warbixin)

Istanbul (Caasimada Online) – Howlgaladda mataanaha ah ee Turkigu ku duqaynayo kooxda argagixisada Kurdiyiinta ee PKK ayaa todobaadkaan soo jiitay dareenka dadka indha-indheeya xaaladda Ciraaq.

Waxay u nuuqataa in talaabada Ankara ay ku soo aaday kadib markii Imaaraadka Cabtu uu taageero dhaqaale siiyay kooxdan gooni u goosadka ah, taasi oo muujineysa cabsi ah in dagaal qarsoon uu Imaaraadka iyo Turkiga ku dhex maro Ciraaq.

Billowgii weerarada Turkiga ee PKK

Turkigu waxaa uu labo howlgal todobaadkaan ka bilaabay woqooyiga Ciraaq, kuwaas oo ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta, howlgaladdu waxay sababeen in xukuumadda Baqdaad ay si adag u diido ficilka militare ee Ankara ee ka dhanka ah ururka PKK oo ku dhuumanaya gobolka buuraleyda Ciraaq.

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay bur-burisay in ka badan 500 oo bartilmaameedyo PKK ah 36 saacadood ee ugu horreysay howlgalka.

Weli ma kala saarin in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay beegsadeen, ama keydka raasta, ama meelo kale oo ay kooxdu heysteen.

Taleefishinka dowladda ee TRT ayaa weriyey in ciidamada Turkish-ka ay burburiyeen ugu yaraan 81 gobood oo ay ku dhuumaaleysan jiraan PKK iyo meelo hubka loo soo mariyo.

Lacag ka timid Imaaraadka Carabta

Go’aanka uu Turkigu ku bilaabay howlgalka waxaa uu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka Carabta uu raadinayo in uu taageero ololaha gooni u goosadka PKK ee ka dhanka ah Turkiga, kaasi oo socday ku dhawaad 40 sano islamarkaana galaaftay nolosha 40,000 oo qof.

Laanta Afka Carabiga ee wargeyska Al-Arabi Aljadiid ayaa werisay in ilo-wareed ka tirsan Dowladda Gobolka Kurdiyiinya ee fadhigeedu yahay Erbil u sheegay in ay ogaadeen lacago badan oo Imaaraadka Carabtu siiyay PKK.

Ilo-wareedku waxaa uu sheegay in Dowladda Gobolka Kurdiyiinta ay weydiisatay in caddeyn ogolaansho laga keeno masuuliyiinta lacagta kasoo diray Imaaraadka iyo akoonada bangiyadda.

Sarlot Cali, oo ka tirsan siyaasiyiinta Kurdishka ayaa sheegay in xiriirka lacagta ee ka dhaxeeya Kurdiyiinta mucaaradka ku ah Turkiga iyo Imaaraadka uu socdo afar sano, kaasi oo soo mara ururadda bulshadda iyo howlgaladda gar-gaarka ee dadka barakacay.

Kuwa uu dagaalku saameeyay waxaa la dejiyay goboladda kala duwan ee Ciraaq ee Kurdistan, gaar ahaan xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Iran, halkaas oo dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiintu ay ka howlgalaan.

Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka

Imaaraadka iyo Turkiga waxay isku haystan kuna muransanyihiin dhinacyo badan oo gobolka ah, waxaa ugu dambeeyay Liibiya oo xukuumadda Ankara ay taageereyso Dowladda Caalamku aqoonsanyahay, halka Abu Dhabi ay malaayiin lacag ah ku taageereyso General Khaliifa Xaftar oo dhawaan looga adkaaday Tripoli.

Imaaraadka waxaa uu sidoo kale ka careysanyahay taageeradda Turkigu uu siiyo Qatar oo uu geeyay militari si uu uga difaaco isbahaysigii gacanka carbeed ee ay hogaaminayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Sidaas darteed layaab malahan in Imaaraadku raadiyo xasilooni daradda Turkiga isagoo taageeraya PKK. Si kastaba, talaabadaas waxay khatar ku tahay in Abu Dhabi lagu calaamadiyo maalgelinta argagixisada PKK oo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Europe ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso.

Xitaa iyadoo ay caawimaad ka helayaan Imaaraadk Carabta, PKK ma awoodaan in ay xasilooni darro ku abuuraan Turkiga. Ku dhawaad 40 sano oo colaad ah ayaa muujisay in ay xadidan tahay awoodda PKK ay u leeyihiin in ay qasaan Turkiga, inkastoo ay weli yihiin khatar maxali ah.

Taas bedalkeeda, Turkigu wuxuu sii wadi doonaa barnaamijkiisa mudda dheer ee uu heshiiska kula jiro Dowlada Gobolka Kurdiyiinta kuwaas oo si hoose u ogolaaday howlgalkii militari ee Ankara kasokoow kalsooni daradii xukuumada Baghdad.