Sidee loo fulinayaa qorshaha dhismaha dekedda Hobyo, sideese beelaha u bixinayaan lacagta $90-ka milyan ah?

Hobyo (Caasimada Online) – Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in Galmudug ay haatan ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qalab qaato dhismaha dekadda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa daahfuray mashruuc lagu dhisayo dekadda Hobyo, iyadoo munaasabadii lagu daahfurayey ay kasoo qeyb galeen xubno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, siyaasiyiin kale, odayaal dhaqan, iyo bulshada qeybeheeda kala duwan.

Guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir Prof. Shirwac ayaa munaasabaddaas ka sheegay in beeshiisu ay bixineyso 50 milyan oo dollar, inta kalena laga rabo inay bixiyaan beelaha kale ee Galmudug, waxaana dhismaha dekedda wajiga koowaad lagu qeymeeyay 90 milyan oo dollar.

Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug oo wareysi siiyey Idaacadda Goobjoog ee maagalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in dekadda lagu dhisayo isku tashi ay sameynayaan bushada reer Galmudug, waxaana uu intaas ku daray in mashruuca lagu dhisayo ay hormuud u yihiin ganacsatada ka soo jeeda Galmudug.

”Waxaan Galmudug iyo wasaarad ahaan ugu bishaareynay umadda Galmudug, hadda in loosoo diyaar garoobay si isku tashi ah dadka reer Galmudug ah oo aan aaminsannahay dhaqaalaha ugu badan ee dadka Soomaaliyeed marka la xisaabiyo Soomaalida, maamul goboleedyada ugu dhaqaalo badan yihiin Galmudug, in si  iskutashi ah ay ku dhistaan, waana aaminsannahay in ay sameyn karaan.

“Arrintaas ayaana xafladdeenna aan ka sheegnay, iskama aanan sheegin, wadahadal ganacsatada reer Galmudug aan yeelanay iyo wasaarad ahaan ayaan go’aannadaas isla qaadanay, wixii hadda ka dambeeya, waxaan rajeynaynaa inaan ficil u badalno,” ayuu yiri wasiir Saabir.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Runtii reer Galmudug iyo umadda Soomaaliyeed ee hammineysa in dekaddaan ay dhisanto weligood waa ay jeclaayeen inay maalgaliyaa  oo ay helaan jaanis ay ku maalgelin karaan, laakiin ma aysan helin hoggaankii saxda ahaa ee maaligalinta ay sameyn lahaayeen u ballan qaadi lahaa mid ammaan ka helayso in aysan dhibaato uga soo noqon.”

“Annaga dowlad ahaan Galmudug waxaan u ballan qaaday si sharciyad ah inaan ganacsata siin doonno Decomenti sharci ah oo dowladda Galmudug ah, oo hanaankeeda sharci lawada marsiiyo, oo waxdhibaato ah aysan uga imaaneynin, oo amnigii aan ka shaqeyno aan ballan qaadnay,” ayuu yiri wasiir Saabir.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay qorsha mustaqbalka fog ee dekedda ay ka damcsan yihiin ” Dekadda hamigygu maahan, dekedaha dalka Soomaaliya maanta ku yalla, ka wasaarad ahaan waxaan qoryeynay, qorshahaha aan ka hadlaayo waa qorshe qaadanaayo ilaa 10 sano, oo qeyba ay maalin noqoto, qeybta  ugu horeyso ay noqoto qeyb kaafin karta dadka reer Galmudug.”

“Dadka deegaannada ku hareereysan ee maamul goboleedyada dariska lawada ah, aan dhisno labada sano ee soo socota deked kaafin karta oo ku filan iyo dowladda deriska, sida Itoobiya oo kale oo aan xaduud dheer la leenahay, haddii aan nahay dowlad goboleedka Galmudug nahay” ayuu yiri hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Saabir