Dagaal u dhexeeyo kooxda Macawiisley iyo Al-Shabaab oo ka socda HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo maleeshiyaadka Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab uu ka socdo gabeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa dib uga qarxay deegaanka Ceelcadde oo hoos yimada degmada Beledweyne, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen  fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Macawiisleda, waxaana kadib billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socdo isla-markaana uu barakac ka billowday halkaasi, maadaama uu dagaalka xoogeysanayo marba marka ka dambeysa.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinac oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba.

Hiiraan ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howlgallo culus oo ay qayb ka yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle, kuwaas oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.