Madaxweyne Mikhail Gorbachev oo geeriyooday

Moscow (Caasimada Online) – Mikhail Gorbachev, hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee Midowga Soviet, ayaa geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas ku warramay wakaaladaha wararaka Ruushka Talaadadii.

“Mikhail Sergeyevich Gorbachev waxa uu dhintay fiidnimadii kadib xanuun darran oo muddo fog hayey,” waxaa sidaas yiri isbitalka Central Clinical Hospital ee Moscow oo ay soo xigteen wakaaladaha wararka Interfax, TASS iyo RIA Novosti.

Gorbachev, oo xukunka hayey 1985 illaa 1991, islamarkaana gacan ka gaystay inuu sare usoo qaado xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, ayaa ahaa hoggaamiyaha kale ee ka nool Dagaalkii Qaboobaa.

Waxa uu inta badan labaatankii sano ee ugu dambeeyey banaanka ka joogay siyaasadda, wuxuuna mar mar naadir ah ugu baaqi jiray Kremlin-ka iyo Aqalka Cad inay hagaajiyaan xiriirkooda oo gaaray heerka Dagaalkii Qaboobaa kadib markii Ruushka ay ku darsadeen Crimea 2014 kuna duuleen Ukraine horraantii sanadkan.

Xiriirka kala dhaxeeya madaxweyne Vladimir Putin ayaa mararka qaar ahaa mid adag, hase yeeshee hoggaamiyaha Ruushka ayaa “damqasho” ka muujiyey geerida Gorbachev.

“Madaxweyne Putin waxa uu saaka tacsi u diri doonaa qoyskiisa iyo saaxiibadiisa,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

Gorbachev ayaa sanadihii ugu dambeeyey noloshiisa wuxuu u dhaxeeya isbitaalka iyo guriga ayada oo xaaladdiisa caafimaad ay xumaatay.

Gorbachev ayaa laga jeclaa dalalka Galbeedka, oo looga yaqaan naaneysta Gorby, waxaana lagu xusuustaa inuu qaboojiyey xiisaddii Nukliyeer ee Mareykanka iyo Soviet-ka ee sideetamaadkii.

Waxa uu sanaddii 1990-kii ku guuleystay Abaal-marinta Nabadda ee Nobel Peace Prize kadib markii heshiis taariikhi ah oo Nukliyeer uu la galay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan.

Gorbachev ayaa gudaha Ruushka ka ahaa shaqsi muran badan dhaliyey, sababo la xiriria inuu ahaa madaxweynihii Soviet-ka xilligii Midowga uu burburay, waxaana xumaa xiriirka isaga iyo Putin.

Putin iyo Ruushiyaan badan ayaa burburkii Midowga Soviet waxay u aheyd musiibo keentay sanado badan oo saboolnimo ah iyo inay wiiqantay awooddii Ruushka ee masraxyada caalamka.