‘Wuxuu ahaa ninka kaliya ee ka nool qabiilkiisa – Waxaa la helay meydkiisa August 23’

Rio de Janeiro (Caasimada Online) – Ninkii ugu dambeeyey ee ka haray qabiil ab-ogaa soo jireen ah kuna noolaa keymaha dhulka Brazil ayaa geeriyooday, sida ay ku warrameen smas’uuliyiinta dowladda. 

Ninkan, oo aan magaciisa la aqoon, wuxuu kelinnimo ugu noolaa muddo 26 sannadood ah. Waxaa lagu naaneysi jiray Ninka Godka, waayo wuxuu qodan jiray godad gundheer oo qaarkood uu u adeegsan jiray ugaarsiga xoolaha – halka qaarka kale ay u ahaayeen gabaad uu ku dhuunto. 

Meydkiisa waxaa 23 Agoosto laga helay isaga oo ku jira leexo ama wiifow ku ag yaalla godadkiisa. Mana lagu arkin astaaamo muujinaya in la jirdilay ama uu u dhintay waxyeelo soo gaartay. 

Waxaa la rumeysan yahay inuu u dhintay si dabiici ah, waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa lixdan jir. 

Waa qofkii ugu dambeeyey ee qabiilkan oo ku noolaa degaanka Tanaru, gobalka Rondônia, dalka Brazil kaasi oo xuduud la leh dalka Bolivia. 

Badi qabiilka uu ninkan kasoo jeeday waxaa la aaminsan yahay inay laayeen xoolo-dhaqato dooneyso inay isku soo fidiyaan dhulkooda. 

Sannadkii 1995, lix kamid ah qabiilkan waxaa weerar ku dilay kuwo si sharci-darro ah macdan uga qodanayay dhulkooda. Halkan NIN oo ka badbaaday ayaana ka noolaa dhammaanba faraca qabiilkiisa. 

Hey’adda Funai oo la socota xaaladda qabiillada Brazil soo jireenka ku ah, waxay samata-baxa ninkan ku baraarugtay sannadkii 1996, waxayna bedqabkiisa awgeed aad ula socotay dhaqdhaqaaqa aagga uu ku noolaa. Ilaa 23 kii bisha Agoosto ay meydkiisa ka heleen isaga oo ku jira leexo ama wiifow loo malaynayo inuu ku nasanayay. 

Marcelo dos Santos, oo ku xeeldheer nolosha qabiillada duurka ku nool, wuxuu sheegay in – ninkan uu isku daday baalal ama hargo maadaama uu ogaaday inuu sii dhimanayo. 

“Wuxuu sugayay geeridiisa. Mana ka muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in la waxyeelay,” ayuu yiri. 

Wuxuu intaas kusii daray in Ninkan loo malaynayo inuu dhintay 40-50 maalmood kahor muddo laga joogo maalinta meydkiisa la helay. 

Maadaama aanu wax xiriir ah la lahaan jirin dadka, lama yaqaan afka uu ku hadli jiray iyo qowmiyadda uu asal ahaan kasoo jeeday. 

Sannadkii 2018, koox ka soctay hey’adda Funai ayaa soo bandhigtay muuqaal ay ka sameysay keynta. Gudaha muuqaalka ayaa la arkayaa NINKAN oo geed kala dul dhacaya wax u eg faas. 

Tan iyo markaas, muuqiisa lama helin. Funai waxay sheegtay inaysan soo arkin qodadkiisa iyo aagga uu ku nasan jiray marwalba. 

Mr. Algayer, oo hey’adda Funai katirsan kaas oo helay meydka ninkan, ayaa sheegay in dhammaan aqalladii uu dhistay sannadihii tagay ay qaarkood qoto dheeraayeen ilaa saddex mitir. 

Godadka, ayuu Algayer tilmaamay inay iskugu jiri karaan qaar uu ku dhex cibaadaysan jiray iyo kuwo uu ku dhuunto. 

Caddaymo la helay ayaa sidoo kale muujinaya in ninkani uu beeray dalag sida galley iyo qudaarta qaar sida babaayga iyo mooska. Waxaa kale oo uu urursan jiray malabka shinnida. 

Xeerka Brazil wuxuu dhigayaa in dadka ab-ogaaga ku ah Brazil ee keymaha ku nool ay xaq u leeyihiin dhulkooda. Waana mamnuuc in lagu fara-geliyo geyiga ay ku nool yihiin. 

Laakiin dhimashada Ninka Godka waxay abuurtay baraarug kale oo ah in daryeelka dhulka Tanaru loo sameeyo ilaalo joogto ah. 

Waxaa dalka Brazil ku nool 240 qabiilo soo jireen ah, waxay qaar badan wajahayaan halis kaga imaanaysa macdan qodato sharci-darro ah, beerelay iyo kooxo kale oo damaacinaya dhulkooda. Saadaasha rejada samata-baxooduna ma sugna. Waxaase Brazil cadaadis lagu saarayaa inay xil iska saarto ilaalinta nolosha iyo deegaanka qabiillada duurka ku dhaqan. 

Halisaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan markii ay dhawaan ka hadashay Txai Surui oo ah geyfane u dooda xuquuqdooda – iyada oo khubad ka jeedinaysay xaflad looga hadlayay cimilada adduunka iyo dhibaatooyinka ku gedaaman, waxay la kulantay hanjabaad dil ah madaama ay soo hadalqaaday nolosha qabiillada keymaha Brazil ku nool.