Ilyaas oo raalli-gelin bixiyey – “Koonfur Galbeed hala weeraro warkeyga kuma jirin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Ilyaas Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyey Telefisihinka Universal ayaa sharraxaad ka bixiyey buuq iyo khilaaf ka dhashay khudbad oo dhowaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Muqdisho oo uu uga hadlay arrimaha Koonfur Galbeed.

Ilyaas Cali Xasan oo uu hadda khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo madaxweyne Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in kaliya khudbaddiisa uu uga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda degmada uu ka soo jeedo ee Buurhakaba oo go’doon ugu jirto Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay inuu soo jeediyey in degmadu hesho maamul wanaasagn oo ku yimaado doorasho, taasina uu xaq leeyahay, maadaama ka wasaarad ahaan ay hoostegaan arrimaha maamulka iyo daadajintooda.

“Waxaan u sheegay kaliya in degmadaas ay u baahan tahay in garoon loo sameeyo, hadda ka hor xitaa waxbaan ka bilownay daruufo dhaqaale darteed waa sii socon kari waayey, marka in garoonkaas u baahan yahay in la dhameystiro si degmada gurmad loo gaarsiiyo. Sidoo kale maamul doorasho ku yimid degmada ay yeelato,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in hadalkiisa la siyaasadeeyey, isla-markaana si kale loo dhigay, wuxuuna beeniyey inuu weerar ku ahaa dowlad goboleedka Koonfure Galbeed.

“Dadka waxa aan u sheegay iyo sida loo dhigay dabcan waa kala duwan tahay, laakiin meel aan ku sheegay Koonfur Galbeed hala weeraro warkeyga kuma jirin” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu raalli-gelin buuxda siinayo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisa, gaar ahaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Waan ka raalli-gelinayaa ciddii u aragtaa in iyadu markaa loola jeeday ama si qaldan u fahantay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey wasiir Ilyaas Cali Xasan.