Dagaal xoogan oo ka dhashay isku day Al-Shabaab ay ka sameysay Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka ciidamada deegaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Duduncad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaal-yahano ka tirsan Shabaab ay isku-dayeen inay gubaan Ceel-biyood laga dhisayo deegaankaasi, kaasi oo ay ka war heleen ciidamada dib u xoreynta ee deegaanka.

Waxaa halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka dhexmaray ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa la soo sheegaya in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalkan uu dhankooda kaga dhaawacmeen saddex ruux.

“Weerarka Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Duduncad waa iska difaacnay, waxaana gaarsiinay maleeshiyada (Shabaab) khasaare dhimasho iyo dhaawac leh,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaanada iyo degmooyinka dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar waxay weeraro gaadmo ah ka geystaan deegaanadii horay looga saaray.

Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku billowday dagaalka ka dhanka ah ee jabka xoogan lagu gaarsiiyay, ayaa sare u qaaday isku-dayada ay meesha uga saarayaan adeegyada daruuriga ah ee bulshada ku nool deegaanada laga xoreeyay.