Maxaa looga hadlay shirka Muqdisho uga furmay DF iyo maamul goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka wasiirada maaliyadda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, shuruudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuuraha dalka.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo shir-guddoomiyay kulanka ayaa wasiirada heer dowlad-goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka hordhigay qoddobada miiska saaran.

Qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad-goboleedyada ayaa soo jeediyay in la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac oo laf-dhabar u ah hirgelinta himilooyinka horyaalla oo wada-jirkooda u dhaqan-geli kara, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirkaan.

Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta sanadaha badan lagu leeyahay, waxaana jira shuruudo lagu horgudbay oo ay tahay inay kasoo baxdo si looga dhaafo deyntaas.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ka qayb-galay kulamo ay hormuud u yihiin Bangiga Adduunka, IMF, Bangiga Afrika iyo Ururro kale oo Caalami ah oo u xilsaaran hubinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo ogoleyn in ay deyn qaadato, balse hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa horay ugu ogolaatay 100 milyan oo lagu qalabeynayo Bangiyada maamula dhaqaalaha dalka.