61 AL-SHABAAB ah oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay goordhoweyd soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Sirdoonka & Nabad-sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay illaa iyo 61 Al-Shabaab ah ku dileen hawl-gal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawl-galkan ayaa lagu beegsaday dagaal-yahano Shabaab ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaasi oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid qaraxyo ah, kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda.

“Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Howl-galka ay fuliyeen ciidamada NISA ayaa sidoo kale waxaa lagu bur-buriyay Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo dagaal-yahanada ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.