Kadib safarkii GEELLE ee Muqdisho, Jabuuti oo 4 arrin ku gacan siinaysa DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wixii ka dambeeyay waxaa sii xoogeystay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dalka oo soo maray sanado mad-madow siyaasadeed uu hareeyay.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka, iskaashiga ku dhisan walaaltinimada iyo derisnimada oo ah mid soo jireen ah, ayada oo Jabuuti ay hiil & hoo la garab istaagtay Soomaaliya.

Safarkii madaxweyne Geelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu xoojiyay in Jabuuti diiradda ay saarto in ay Soomaaliya ka gacansiiso afar arrin oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. La-dagaalanka kooxda Al-Shabaab
2. Qorshaha sugidda amniga guud ee dalka
3. Wax ka qabashada xaaladaha Bani’aadamnimada
4. Wada-hadalka Somaliland

Madaxweyne Geelle ayaa intuu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inay garab taagan yihiin dowladda federaalka, ayna ka go’an tahay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la joogo waqtigii diiradda la saari lahaa midnimada, horumarka iyo xoojinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gungaaro abaabulka xooggan ee socda, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 15-kii May 2022 ayaa ballan-qaaday in uu xooga saarayo dib-u-heshiisiinta gudaha iyo xoojinta Soomaali heshiis la ah Dunida inteeda kale.

Intaas kaddib waxa uu galay safarro kala duwan oo uu ku tagay waddamada deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa kala oo ka baxsan Qaaradda, madaxda uu la kulmay waxay wada dhigteen ballamo siyaasadeed oo dhaqan-galkooda labada dhinac laga sugayo.