Afgooye (Caasimada Online) – Dhacdo xanuun badan oo wali laga hadal hayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shalay ka dhacday duleedka deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, dhacadaasi oo la xiriirta aano qabiil.
Masuuliyiinta maamulka magaalada Marko ee Shabeelaha Hoose iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan ayaana siyaaboyin kala duwan kaga hadlay dhacdada ka dhacday deegaanka Shalanbood.
Dhacdada ayaa aheyd markii guri ay degenaayeen lagu gubay ku dhawaad 6 caruur ah oo isku qoys ah iyo ayeeyadood oo 75 sano ah oo ku sugnaa deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Arintaasi ayaana ka dambeysay aano qabiil oo u dhaxeyso beelo sanado badan ku dagaalamayay gobolka Shabeelaha Hoose oo kala ah Habargedir iyo Biyo maal.
Maamulka magaalada Marko ayaa sheegay iney baarayaan sida ay u dhacday in dad nool lagu gubaa hooy ay degenaayeen, waxayna sheegeen iney salka ku heysto aano qabiil.
Waa dhacadadii ugu naxdinta badneyd ee laga dhaxlay dagaal beeleedyada ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
[email protected]

