26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Dagaalka Gaalkacyo oo Mashruuc isku bedelay & Laba dowladood oo Hubka isugu dhiibeyso PL iyo Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku aadan Dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalada socda ay yihiin kuwo ay ololinayaan dowlado shisheeye oo faraha kula jira arrimaha Somalia, kuwaasi oo Hubka isugu dhiibay labada dhinac.

Dowladaha dhabjinaaya Colaada Gaalkacyo ayaa waxaa kamid ah Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Ethiopia kuwaasi oo Hubkii ay labada dhinac isugu dhiiben lagu arkay furumaha dagaalka.

Furumaha dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa sanduuqyada rasaasta oo dusha sare ay kaga sawiran yihiin calanka Imaaraadka, halka Agabyada kale ee ciidanka lagu arkayo calaamadaha Ethiopia.

Dowladaha Imaaraadka iyo Ethiopia ayaa kaalin miisaan leh uga jira xasil darida ka taagan Somalia, gaar ahaan Gobolada dalka oo si xad dhaaf ah ay u geeyan Hubka.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in lagu carqaladeynaayo howlaha doorashooyinka dalka, waxa uuna dagaalkaani abuurayaa shaki ku aadan socoshadiisa iyo Dowladaha faraha kula jira.

Dowlada Somalia ayaan sidoo kale, si niyad sami leh aan uga hadlin dagaalka socda, waxa ayna taasi sii abuureysaa shaki hor leh maadaama afkii juqda gabay.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News