Keating oo sheegay cida ka mas’uulka ah dagaalka Gaalkacyo

Boosaaso (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel Keating, ayaa mar kale walaac ka muujiyay qaabka ay dowlada Somalia uga danqan la’dahay Dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo.

Michel Keating, waxa uu sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid salka ku haya arrimo Siyaasadeed waxa uuna mas’uuliyada dagaalkaasi dusha ka saaray Dowlada Somalia oo iyadu ka mashquushay xalinta dagaalka.

Michel Keating, waxa uu si ganbasho la’aan ah u cadeeyay in xalinta iyo sii socoshada Dagaalka Gaalkacyo ay tahay mid ku jirta gacanta Dowlada Somalia, waxa uuna Su’aal ka keenay sababta ay Dowlada uga aamusan tahay dagaalkaasi.

Michel Keating, waxa uu meesha ka saaray in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid ku saleysa Aanooyin iyo dhul-ballaarsi, waxa uuna taa bedelkeeda ku sheegay in dagaalka mid Siyaasadeed.

Michel Keating, waxa uu ku baaqay in labada dhinac ee uu dagaalka u dhexeeyo ay colaadooda ku xashtaan wadahadal, waxa uuna arrin nasiib darro ah ku sheegay in labada dhinac ay sheeda ka daawadan waxa ka socda Gaalkacyo.

Haddalka Michel Keating, ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia ay ku dhiiraneyso daawashada dagaalka.

 

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com