Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in magaaladaasi u tagay wakiilka xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Wafdiga oo uu hogaaminayo Micheal Keating ayaa waxay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wararka magaalada aan ka heleyno ayaa sheegaya in wafdiga ay u tageen magaaladaasi sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali gaas.
Ujeedada ugu weyn ee safarka wafdiga ayaa ah arimaha dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo ku dhawaad bil qaatay.
Waxaana la doonayaa in la joojiyo dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

