Dagaalka Soomaalida & Oromada oo saameyn adag ku yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahinayaan wakaaladaha Africa waxaa sii xumaanaya wada shaqeynta ka dhexeysa Xildhibaanada baarlamaanka Ethiopia, kadib markii ay isku khilaafeen qaabka loo wajahaayo xiisada ka dhex aloosan  Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Xildhibaanada ka soo kala jeeda Amxaarada iyo Oromada oo aad uga careysan dhibaatooyinka labada qowmiyadood ayaa si cad u qaadacay kulanka baarlamaanka Ethiopia.

Xildhibaanada Amxaarada iyo Oromada, ayaa sheegay inaan la qaban doonin kulan danbe oo ay isugu imaanayaan Xildhibaanada waa haddii aan la qaadin talaano lid ku ah rabshadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xiligaan aanu jirin sabab uu baarlamaanka u kulmo ilaa Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan rabshadaha u dhexeeya labada qowmiyadood iyo sida ay ku bilawdeen.

Xildhibaanada ayaa Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu hor imaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo rabshadaha, maadaama ay dhibaatadu sii xoogeysaneyso.

Sidoo kale, Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka ayaa qaba in rabashadaha u dhexeeya labada qowmiyadood uusan saameyn ku yeelan howlaha baarlamaanka.

Khilaafka labada qowmiyadood ee saameynta ku yeeshay Xildhibaanada ayaa ka dhashay xasuuq Isbuucii la soo dhaafay ay qowmiyada Oromada u geysatay Soomaali dhan 60 qof.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah lagu laayay xero boolis dhexdeeda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com