DFS oo loogu baaqay ka fogaan shiyaha arrin ay aad u dhibsanayaan Mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa loogu baaqay inay waxbadan ka bedesho talaabooyinka ay ku caburineyso Siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Qaar kamid ah Xisbiyada Mucaradka oo ka gadoodsan caburinta lagu hayo Siyaasiyiinta dhaliilsan howlaha Qaranka ayaa sheegay in DFS laga doonayo dulqaad maadaama ay tahay tan laga sugaayo isbedelka.

Waxa ay sheegen in dhinacyada Mucaaradka ay xaq u leeyihiin inay dhaliilan wax waliba oo ay u arkaan caqabad, balse dowlada laga doonaayo inay si hoose u saxdo khaladka la faramuuqaayo ee lagu eedeynaayo Farmaajo iyo Kheyre.

Waxa ay cadeeyen in mucaaradka uu yahay mid codkiisa ku raadinaaya xil ama kursi heer Madaxweyne sidaa aawgeed aysan munaasib aheyn in DFS ay ku jawaabta qori caaradiisa.

Waxay Dowladda ka dalbadeen inay yareyso caburinta ay ku heyso siyaasiyiinta, waxeyna sheegay hadii Dowladda ay adeegsato awood in ay imaan karto khalaase hor leh oo caasimaddu ay gasho.

Dhinaca kale, waxa ay ku taliyeen in xariga iyo caburinta la huri waayo loo maro waddo sharci ah oo aan loo marin rasaas iyo duulaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com