Akhriso: Jawaari oo Xeer ilaaliyaha Qaranka u diray Warqad Jawaab celin ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka jawaab celiyay qoraal ay dhawaan usoo dirtay Xeer ilaalinta Qaranka Somalia.

Jawaari ayaa qoraalka Jawaab celinta ah u diray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir, waxa uuna ku cadeeyay inay Jawaab u tahay warqad codsi ah oo ku saabsaneyd xasaanad ka qaadida Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdi saabir Nuur Shuuriye.

Warqadan oo ka koobneyd Saddex bog ayaa waxa ay ku taariikheysneyd 19-ka bishan December 2017-ka.

Jawaabta warqada ayaa waxaa lagu qeexay go’aan kasoo baxay fadhi ay 18-kii bishan Guddiyada Joogtada ka yeesheen warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab cad ah oo dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha.