Madasha Talo-wadaag oo soo saartay war murtiyeedka xasaasi ah oo ku saabsan arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Talo wadaag ayaa soo saartay war murtiyeed ku saabsan siideynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dhibaatadii ka dhalatay xarigiisa.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

WAR MURTIYEED

Golaha Aasaasayaasha  Madasha Talo-wadaag oo ka wakiil ah xubnaha iyo taageerayasha Madasha waxay soo saareen baaqan:

  1. Sida ku cad Maabaadiida (Madasha Talo-wadaag), Dawladnimada iyo Maamul wanaagga waxaa saldhig u ah in lagu dhaqmo dastuurka dalka Lana adkeeyo saraynta sharciga oo la xaqiijiyana Madaxbanaanida Garsoorka iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka soomaaliyeed.
  2. Waxaanu soo dhawaynaynaa sii daynta Mudane: Cabdirahman Cabdishakuur Warsame oo xorriyaddiisa dib u helay shalay oo Khamiis ah 21/12/2017.
  3. Waxaanu Tacsi u diraynaa Ehelkii iyo Qaraabadii dadkii ku dhintay dhacdadaas waxaanu leenahay Allah ha u Naxariisto anaga oo dhan samir iyo iimaan allah ha naga siiyo.
  4. Waxaanu ku amaanaynaa dhamaan dhinacyada kala duwan ee u istaagay in laga shaqeeyo nabadda lana kaabo hannaanka dowladnimo oo ay tahay in aan dhamaanteen wada ilaashano kana shaqayno sidii la isaga kaashan lahaa xasilinta dalka iyo xalinta xasarad kasta oo dhacda.
  5. Waxaanu ku boorinaynaa hay,dahaha kala duwan ee dowladda in ay yihiin cidda u xil saaran dhowridda iyo ku dhaqanka sharciga sidaa darteed waa in ay ka taxadaraan wax kasta oo keeni Kara ku takri-fal awoodeed iyo in lagu gabood falo xuquuqda muwaadiniinta.
  6. Waa in lagu ixtiraamo hay,adaha dowladda gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah si waafaqsan shuruucda dalka.
  7. Ugu dambeyn iyadoo la xeerinayo marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in meel looga soo wada jeesto halista cadowga, lana wajaho dhamaystirka howlaha qabyada ah ee hor yaalla Qarankan sida xasilinta iyo xoraynta dalka, dib u eegista dastuurka, geeddi socodka dimoqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin xor ah 2020. Si arimahaasi loo hirgeliyo waa in dowladda, mucaaradka, iyo bulshada rayidka ah ay dhamaan yeeshaan wada shaqeyn ku saleysan wada hadal is qancin iyo is faham, waxaana lagama maarmaan ah in dhacdo kasta lagu xalliyo hanaanka dowladnimo.