Dagaalkii ugu cuslaa oo Baraha Bulshada ku dhex maray Erdogan & Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda

Khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Turkiga iyo Israel ayaa gaaray heerkii ugu xumaa kadib dilkii ciidamada Yuhuudda u geysteen bannaanabxayaashii reer Falastiin ee Marinka Gaza.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Deyib Erdogan iyo Ra’iisal wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa is weydaarsaday ereyo kulul oo ay isu mariyeem baraha bulshada, waxaana Turkiga uu dalkiisa ka saaray safiirkii Isreal ee Ankara.

Erdogan ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Israel uu yahay Nin dalkiisu gacanta dhiig kula jira oo gumeysi ku haya dadka reer Falastiin oo ah shacab aan iska difaaci karin, iyadoo dowladda Yuhuudda ku tilmamay mid ku dhisan Cunsuriyad oo aysan dembiyadeeda dagaal ku dabooli karin weerar ay ku qaado Turkiga, iyadoo muddo ka badan 60 sanadood jebineysay Qaraaradda Q/Midoobay.

Intaas kaddib Ra’isal wasaaraha Israel ayaa ka jawaabay farriinta Twitter-ka ah ee Erdogan, wuxuuna ku eedeeyay in Erdogan oo laayey boqolaal Turki ah aanu Israel siin karin cashar akhlaaqda ku saabsan iyo hab dhaqanka ciidamada.

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Erdodan inuu taageero ururka Argagixisada ee Xamaas, si fiicana u yaqaan argagixisada iyo xasuuqa, wuxuuna u soo jeediyay inuusan waano siin karin Israel. laakiin Madaxweyne Erdogan ayaa arrintaasi ugaa jawaabay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso islamarkaana yahay urur u dagaallamaya xorriyadda dalkoodana kana difaacaya gumeysiga Yuhuuda.

Israa’iil ayaa sidoo kale ka carootay in safiirkeeda laga soo saaray Turkiga lagu baaray garoonka magaalada Ankara iyadoo muuqaallo laga duubayo taasoo xadgudub ku ah sharciga diblomaasiyadda.

Xaaladda ayaa ka sii dartay waxayna dowladda Turkiga shaacisay in Israel iyo Masar ay diideen in fasax siiyaan diyaarad ay Turkiga leedahay oo dooneysay inay dadkii lagu dhaawacay Marinka GAZA loo qaado Turkiga si loogu soo daweeyo.