Dakhliga sanad kasta DF uga soo xarooda baasaboor sameynta oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda sanadkan ee loo gudbiyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muujineysa cadadka lacagaha ay dowladdu ka hesho soo saaridda baasaboorka, dal ku galka la siiyo dadka ajnebiga ah, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo hay’adda duullimaadka hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan ka heleysa daabacaada baasaboorka lacag dhan $5,528,165. (Shan milyan, shan boqol labaatan iyo sided kun, boqol lixdan iyo shan), sida ku cad miisaaniyadda la odorosay.

Lacagtaas ayaa ah wadarta guud ee qiimaha la filanayo inay kasoo xarooto baasaboorka Soomaaliya, wuxuuna qofkii jooga Muqdisho ku helayaa baasaboorka lacag dhan $108, balse gobollada ama dalka dibadiisa qofkii jooga wuxuu ku helayaa lacag intaas ka badan oo mararka qaar gaari karta $500.

Sidoo kale, dadka ajnebiga ah ee dalka soo gala ayaa la filayaa inay sanadkaan kasoo xarooto lacag dhan $3,485,367 (Seddax milyan, afar boqol, sideetan iyo kun, seddax boqol, lixdan iyo todoba dollar).

Dad badan oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali heysta baasaboorrada dalal kale ayaa dalka yimaada sanad kasta, iyadoo duullimaadyo toos ah ay ku yimaadaan magaalada Muqdisho.

Dadkaan inta badan waxaa keena dalka shirkadaha duullimaadyada ee Turkey airlines iyo Ethiopia airways, waxaana qofkiiba laga qaadaa lacag dhan $60 oo dal ku gal ah.

Meelaha kale ee dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo ay maamusho shirkada laga leeyahay dalka Turkeyga oo la yiraahdo Favori.

Dowladda ayaa shirkadaas sanad kasta ka qaada lacag dhan $2,593,767 (Laba milyan, shan boqol, sagaashan iyo seddax kun, todoba boqol, lixdan iyo todoba dollar.

Shirkada Favori ayaa maamusha howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana jira shaqaale Soomaali iyo ajnebi ah oo u shaqeeya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dakhliga xoog leh ka hesha diyaaradaha dulmara hawada Soomaaliya.

Hawada Soomaaliya oo hadda laga maamulo xarun ku taalla magaalada Muqdisho ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay kuwa ugu mashquulka badan gobolka.

Soomaaliya waxaa dulmara maalin kasta diyaarado meelo kale kasoo kacay oo u kala gooshaya dalal kala duwan oo caalamka ah.

Sidaas darteedna, dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan ka filaysa inay ka hesho ururka ay ku mideysan yihiin diyaaradaha dunida ee IATA lacag dhan $15,735016, (Toban iyo shan milyan, todoba boqol. Sodon iyo shan kun, toban iyo lix dollar).