Dal ba’ayoow la baadiyeeyay yaa kuleh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo mudooyiinkii ugu dambeeyey waxaa ka socday dhismo ay ku sheegtay dowladda kenya in ay ku ilaalineyso amaanka xadkeeda iyadoo kasoo tilaawdey Xuduudii uu gumeystuhu ku sheegay in uu ku kala qeybiyey Soomaaliya.

Dhismahan sharci darada ah ayaa lagu dhisayaa qasab iyadoo la maquuninaayo dadka deegaanka ah ee halkaasi degan, waxaana fulinaaya dhismahan ciidamo katirsan Militariga Kenya oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, dadka deegaankana malahan awood ay ku hor istaagaan ciidankaasi oo gaaraya boqolaal.

Dowladda Soomaaliya ayaan arinkan weli sitoos ah uga hadlin Inkastoo ay mar indha-indhayn ay ku soo sameeyeen wafdi uu hogaaminaayey wasiirkii hore ee arimaha gudaha DFS Cabdi Faarax Juxa waxayna sheegeen in aysan jirin xad gudub dhanka dhulka ah oo ay sameysay Kenya wayna kadigeen waxayna sheegeen in taako kamid ah dhulka Soomaaliya aysan kusoo xad gudbi karin Kenya balse dadka deegaanka ayaa muujinaya cabasho ah in Kenya ay dhiseyso xad darbi ah oo ay ku kala qeybineyso degmada Balad-Xaawo.

Ujeedada kadambeysa in maanta Kenya ay kasoo tilaabsato xadkii uu ku kala qeybiyey gumeystihii Ingiriiska dalka Soomaaliya ayaa ah sidii ay u xaalashan lahayd Kenya qeyb kamid ah badda Soomaaliya oo ay sheegatay in ay iyadu leedahay taasoo ay dacwadeedu ay kasocoto Maxkamadda caalamiga ah ee Heeg, haddii ay u suurta gasho Kenya Xadkan ay kadhiseyso gudaha ciida Soomaaliya waxay lamacno tahay iyadoo qaadatay badda Soomaaliya ee lagu muransan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya malahan awood ay kaga ilaalin karto xuduudaheeda dalalka dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia sawabtoo ah waxay qeyb kayihiin ciidamada nabad sugidda ujooga Soomaaliya ee Amizom, waxaa sidoo kale ay aaminsantahay dowladda Soomaaliya in Kenya iyo Ethiopia dhankooda uu ku maqanyahay dhul kamid ah dalka Soomaaliya sidaa darteed way adagtahay in maanta ay sitoos ah ay u yiraahdaan madaxda DFS “Kenya waa in ay joojisaa xad gudubka xuduudeena ” taasina waxay lamicno noqoneysaa iyadoo Dowladda Soomaaliya u aqoon satay dhulka maqan ee NFD in uu yahay qeyb kamid ah Kenya.

Gabagabadii qilaafka ka dhex aloolsan qeybaha dowladda iyo wada shaqeyn la’aanta dhexdooda ah ayaa meesha ka saaraya in xal loohelo dhibaatooyiinkii ay reebeen burburkii dowlad la’aanta ee 30-kii sano ee lasoo dhaafey, iyadoona aysan wali cashar u noqon Soomaalida wixii lasoo maray hadaba Dowladda Federaalka ee Soomaaliya maxay ka oran doontaa boobka ay Kenya ku hayso dhulkeena gaar ahaan xad beeneedka uu sameeyey gumeystihii kala qeybiyey Soomaaliya?

WQ/ Ahmed Somali.