Farmaajo oo loogu baaqay inuu kala dirro gabi ahaan baarlamanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Proff Xusein Warsame oo kamid ah Aqoonyahaanada dalka ayaa baarlamaanka Somalia ugu baaqay inay xal degdeg ah ka gaaran khilaafka ka dhex aloosan ee dhaliyay heer kalsooni darro.

Proff Xusein Warsame oo ka qeybqaadanaayay barnaamij ka baxay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in haddii xal loo heli waayo khilaafka Madaxweynaha dalka laga doonaayo inuu adeegsado awoodiisa isla markaana kala diro baarlamaanka.

Waxa uu Proff Xusein Warsame,sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay u furan tahay keliya in xiligaan uu adeegsado awoodiisa, waa haddii la doonaayo xal maadaama uu khasan yahay dalka.

‘’Madaxweynuhu waxa uu awoodaa inuu sameeyo faragalin toos ah, haddii uu ka faksanwaayo waxa uu leeyahay awood uu ku kala diro baarlamaanka dalka, oo aan isku fahmeynin xalka la doonaayo’’.

Proff Xusein Warsame, waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha uu awoodi karo inuu go’aamiyo xitaa goobta ay ka dhaceyso cod bixinta, balse uu u muuqanaayo mid weli fursan siinaaya baarlamaanka.

Waxa uu yiri ‘’Madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay inuu go’aan ka gaaro halka ay ka dhaceyso doorashada cod bixinta ah, haddii uu baarlamaanka ku raaci waayana la kala diro’’

Proff Xusein Warsame, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu qabo in Madaxweyne Farmaajo uu si degdeg ah ku qaato go’aan kama danbeyn ah, waxa uuna xusay in xiisada hadda jirta ay noqon karto mid ka talaabta xadka ay iminka taagan tahay.

Sidoo kale, Proff Xusein Warsame, ayaa sheegay inuu garan la’ yahay in sidaa uu yahay dhaqanka Xildhibaanada iyo in ujeedkuba uu yahay in waxbadan la saxo, hase ahaatee waxa uu dhaliilay sida xalka la moodo.

Geesta kale, Xusein Warsame ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay ka shaqeeyan rajada dalka oo aysan baalmarin dhaartii ay ku mareen Kitaabka rabbi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com