Dhageyso: Axmed Madoobe oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan boobka Kenya iyo derbiga dhismahiisa ka wado Beladxaawo

Kismaayo (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay darbiga ay Kenya ka dhisaneyso xuduuda Somalia, gaar ahaan Beladxaawo, iyadoo la sheegay in Kenya ay gudaha usoo gashay Somalia.

Axmed Madoobe ayaa sheegay  in arinta ku saabsan xuduuda ay tahay mid muddo dheer soo socotay soona martay heerar kala duwan, mudadii dowladda bur bursaneydna uu dhacay is badal ku yimid deegaanka balse la wada sugayo in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan.

Marka laga hadlayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya waa mid kamid ah hadal heynta ugu badan ee taagan mudooyinkaan dambe kadib markii si bareer ah ay dowladda Kenya darbi dhisid uga bilowday Gudaha dhulkeena taasi oo la tilmamay in labo marba tahay wax laga xumaado waa tan hore e in darbiga aysan kala tashan sida la tilmaamay dowladda Soomaaliya iyo tan labaad oo ah in gudaha dhulka Soomaaliya laga dhisayo darbiga.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com