Wararkii ugu danbeeyay mooshinka Jawaari iyo halka la kala marayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka socda kulamo kala duwan kuwasoo qayb ka ah mooshinka dhanka ka ah Gudoomiyaha aqalka hoose ee Federalka Soomaliya kaasoo muddo 2 cisho ah oo maalin shaqo ka dhiman tahay in cod bixin loo qaado.

Waqtiga rasmiga ah oo sharciga sheegayo in Mooshinkaan cod la galiyo ayaa ahaa 10 cisho maalmo shaqo ay ka maqan yihiin ayaamaya fasax ah.

Waxaa weli kulamo u socdaan Xildhibaanada mooshinka kuwasoo dadaal ugu jira sidii aqlabiyad buuxda ugu heli lahaayeen xil ka qaadis lagu sameeyo Guddoomiye Jawaari.

”Weli ku degdegi mayno in aan mooshinka cod loo qaado, sababtoo ah waxaa jira baqdin aan ka qabno iney isbadal ku yimaado codadka aan haysano.” Sidaas waxaa sidaas yiri Xildhibaan kamid ah kuwo tageersan mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Dhinaca kale waxaa kulamo u socdaan  guddiga dhexdhexaadinta aqalka sare ee Soomaaliya iyo Xildhibanada aqalka hoose ee ku kala qaybsan mooshinkaan.

Waxaa la filayaa in manta ay warbixin kasoo saaraan sida ay u arkaan khilaafkaan iyo mowqifkooda ku aadan sidii xal loogu heli lahaa kala qaybsanaanta hareysay hay’adaha dowlada dhexdooda.

Waxaa kale oo jira muran ka taagan qaabka codbixintu u dhaceyso hadii uu qabsoomo kulanka mooshinka ka dhanka ah Jawaari iyadoo wararku sheegayaan in Xildhibaanada diidan gudoomiyaha Barlamanka rabaan in gacantaag laga dhigo si loo meelmariyo xil qaadistaan halka kuwa kale diidan yihiin.

Xildhibaanada tageersan mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa raba Marka hore iney codbixin u qaadaan sidii meesha looga saari lahaa qodobka Xeer hoosaadka ku jira kaasoo ka dhigaya in qarsoodi noqoto dorashada iyo xil ka qaadista gudoomiyaha aqalkaan.

Xeer hoosaadka aqalka hoose ayaa qaba in codbixinta loo qaadayo mooshin ka dhan ah gudoomiyaha aqalka hoose tahay qarsoodi.

Mooshin lagu badalayo Xeer hoosaadkaan ayaa waxaa Barlamanka keeni karo 30 Xildhibaan taasoo ay qorsheynayaan mudanyaasha diidan Jawaari iney keenaan markii dooda mooshinka ka dhanka ah dhamaato..

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com